Madoobe Nuunow Maxamed oo ah Hogaamiyha lixda gobal ee Koonfur Galbeed dalka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan ayaa fashil lugaha la wada galay kadib markii ay ku fashilmeen qorsheyaal badan oo ay ku doonayeen in dowladdu ay ku aqoonsato.
Ilo-wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Shabelle State ay aad u riixeen ciidamo beeleedyo kale oo hoostagayay maamulka Lixda gobal iyo kan seddexda gobal.
Madoobe Nuunow ayaa dhowr jeer sheegtay inuu yahay madaxweynaha lixda gobal oo ilaa hadda uu ku dhegan yahay haddana ma jiraan wax dhaafsiisan magaalada Baydhabo oo uu ka taliyo marka runta la qeexo.
Magaalada Kismaayo waxay xarun u tahay maamulka Jubba ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam Madoobe halka Markona ay isku heystaan maamulideeda ilaa afar maamul.
Kicinta dadka Shacabka Baydhabo iyo abaabulka dibadbaxyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya ayuu Madoobe Nuunow iyo Maxamuud Sayid Aadan ka sameeyeen magaalada Baydhabo iyagoo doonaya in la aqoonsado hase yeeshee wada hadallo ay Muqdisho ku wada yeesheen dowladdu waa ay ka biyo diiday inay ugu darto goballada Jubbooyinka.
Maamulka KMG ee Jubba oo ay walaac xooggani ay ka qabeen ayaa haddana waxaa ugu darsamay walaac hor leh oo ka soo food saaray dhanka maamulka Shabelle State ee uu hoggaamiyo Mardaadi kadib markii magaalada Marko uu u dhisay maamul isla markaana deegaanada kale hadda uu ku wajahan yahay inuu maamul u sameeyo.
Arrinta la yaabka lehi ayaa waxa ay noqonaysa Madoobe Nuunow ma dhici doontaa in uu tanaasulo Arinta Madaama Goboladii Maalinba maalinta Ka dambeyso, la la maroorsanayo?.
Idale News Online, Baydhabo.