Dhageyso: Dowlad Goboleedka KG Soomaaliya Ee Sedexda Gobol oo Rajo Ka Muujiyey Isu Soo Dhawaansho Dhexmartay ayaga iyo Kuwo Lixda Gobol.

0
216

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Seddexda gobolka ee Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan isku soo dhawaansho kala dhaxeeya dhanka maamulka Lixda gobol.

Wuxuu sheegay inuusan jecleyn ka hor dhicida natiijada ku saabsan kulamo maalmahaan magaalada Muqdisho ugu socday labada dhinac ee sheegtay maamulka gobolada koofur galbeed ee dalkeena Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20930.mp3|autostart=yes]

Madaxweyne ku xigeenka maamulka seddexda gobolka ayaa sidoo kale sheegay in ififaalaha ku aadan kulamadaasi ay u muuqday mid aad u wanaagsan, ayna ka warbixin doonaan marka ay howluha soo dhamaadaan.

Dhanka kale maamulka lixda gobol masuuliyiin ka mid ah oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa ku gaabsaday in qorshaha meel wanaagsan uu marayo, lagana yaabo in labada dhinac ay isku tanaasulaad muujiyaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku adaan sidii loo mideyn lahaa dhinacyada sheegta maamulka koofur galbeed ee dalkeena Soomaaliya.

fiqi

Idale News Online, Muqdisho.