Abaabul Dagaal oo ay wado Beesha Biyomaal oo ku Wajahan Marka oo ka socda Deegaanka Ceel Wareegow, ee hoostata Markacadey.

0
326

Maleeshiyaadkii Beesha Biyomaal oon dagaalka looga saaray Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay isu Uruursaneyso Deegaanka Ceel Wareegow, oo hoostagga Magaalada Marka.

Maleeshiyadaan, ayaa waxay Qorsheyneysaa in dagaal rogaal celin ah ay dib ugu qabsato Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, oo Isniintii ay la wareegeen Maleeshiyadii kale ee wada dagaalameen.

Qoysas badan oo faarujiyay Xaafada Buulo Jaan ee Magaalada Marka, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay ay soo gaarayeen Xeradii 77 ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Qoysaskaan, ayaa qaarkood Warbaahinta gudaha u sheegay in ay dareen ka muujiyeen maleeshiyada isu ururusaneysa Deegaanka Ceel Wareegow, ee dooneysa inay dib ugu laabato Magaalada Marka.

Waxay kaloo sheegeen in ifa-faalo dagaaleed ay ka soo muuqaneyso halkaasi.

sssss

Idale news Online, Marka.