Gobalka Gedo Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dad ay ugu geeriyoodeen abaaro.

0
174

Ugu yaraan afar qof ayaa u geeriyootay biyo la’aan iyo macluul ka taagan qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa BBC-da u sheegay in abaaraha ka taagan gobalka ay u dhinteen dad u badan caruur isagoona intaas ku daray in ay jiraan kuwa kale oo qarka u saaran in ay dhintaan.

Wuxuu dowladda iyo hey’addaha gargaarka uu ka codsaday in ay gargaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateesan gobalka gobalka Gedo.

Mar la weydiiyay goobaha ugu daran ee abaarta saameesay wuxuu sheegay in ay ka mid tahay degmada Buurdhoobo oo dhawaan Shabaab laga saaray iyo deeganka La helow oo ka tirsan gobalka Gedo, isagoona intaas ku daray in gargaar la keeni karo gobalka maadama ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin.

Wuxuu sheegay oo kale in haddii aan gargaar la keenin gobalka in halis gali karaan dad badan oo xaaladooda ay hadda wanaagsan tahay.

macluul_xaddhaaf_ah_july7_clip_image002

Idale News Online, Gedo.