Wafdi ka socda wasarada arimaha gudaha iyo federalka ayaa maanta soo gaaray magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo ay si weyn usoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.
Xubnahan ayaa waxaa hogaaminayay Cabdi fataax Xassan Cali oo ah agaasimaha xariirka gobollada wasarada waxaana ku wehlinayay la taliyaha wasaaradda ee arrimaha gudaha iyo federalka david wombal iyagoo kulamo la qaatay maamulka gobolka Hiiraan iyagoo ka wada hadlay sidii dadka deegaanku ay u dhisan lahaayeen maamul ay iyagu iska soo dhex doorteen,
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/Fatax Xassan Afrax ayaa sheegay in dhawaan la xoreyn doono inta ka dhiman gobolka ee ay ku suganyihiin kooxda Al-Shabaab iyagoo dhinaca kalena wafdiga iyo maamulka gobolku si isku mid ah u tilmaamay inay bulshada reer Hiiraan fursad u tahay inuu hogaamiyo maamul ay iyagu soo doorteen,
Sidoo kale gudoomiyaha gobolka C/fataax Xassan Afrax ayaa sheegay in bulshada qeybaheeda kala duwan uu dhawaan la kulmay una soo bandhigay sida ay doorasho ka dhacda gobolkaasi ay uga qeybqaadan karaan iyagoo dhamaantood si weyn usoo dhaweeyay islamarkaana diyaar u ah inay is doortaan iyagu waxaana xubnahan kasocday wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalkau ay isla maanta dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.