Dhageyso: Madaxweyne Kugeenka KG soomaaliya Ee 3da Gobol Md Maxamed Xasan Fiqi oo DF soomaaliya Ku Dhaleecayey Wax ka Qabasho La’aanta Dagaalada Gobolka Shabellaha Hooose.

0
246

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay wax ka qabato dhibaatada dhanka qabaa’ilka ah ee kusoo laalaabatay deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose, waxii ka dambeeyay markii ay Alshabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo gobolka ka tirsan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka seddexda gobol ee kuufor galbeed Maxamed Xasan Fiqi, oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan waxba ka qaban arintaasi.
Halkan Dhageyso, Warbixin.

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20680.MP3|autostart=yes]

Wuxuu sheegay in dagaalada in badan ka dhacaya gobolkaasi ay ka dambeeyaan koox uu sheegay inay isku magacaawday gudiga beeralayda gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo uu sheegay inaysan matalin beeraladayda Shabeelaha Hoose.

Madaxweyne ku xigenka ayaa sheegay in gudigaasi ay iska diiwaan geliyeen wasaarada beeraha xukuumada Soomaaliya, wuxuuna fariin u diray dowlada Soomaaliya iyo wasaarada beeraha xukuumada Soomaaliya.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaalo ku saleysan dhanka qabaa’ilka iyadoo aysan jirin ilaa iyo cid si rasmi ah xal kaga keentay dagaaladaasi.

FIQI

Idale News Online, Muqdisho.