Nairobi: Harqaanle Al-Shabaab ka iibin jiray Dharka Milatariga Kenya oo la qabtay.

0
331

Wargeyska Maalinlaha ee Tha Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu maanta qoray inay Boliska Degmadda Wajeer baaritaan ku hayaan Harqaanle ama Dawaarle loogu shakisan yahay inuu Xarakadda Alshabaab ka iibiyo Labiska Ciiddanka Ammaanka Kenya.

Guddoomiyaha Degmadda Wajeer, Naftal Mungathiya aya sheegay in Labiska uu Eedeysanaha iibin jirey ka mid yihiin Labiska Milliteriga ee nooca Jangalka iyo Labiska ciiddanka Maamulka Boliska.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Milliteriga Kenya 15 joog oo labiska ciiddamadda ka heleen Harqaanka, iyadoo la baadi-goobayo dadka sida rasmi ahaanta loo tolay dharkaasi.

Naftal Mungathiya waxa uu tilmamaay inay Saraakiisha tuhun ka qabaan in Labisyadda ciiddamadda laga iibiyo Xarakadda Alshabaab iyo Maleeshiyooyinka Beelaha ee dhawaan ku dagaalantay Degmooyinka Mandheera iyo Wajeer.

Labiska ciiddanka ammaanka waxay yihiin kuwo aad loo dhowray sugnaantooda, wuxuuna xusay inay si fudud u garan karaan dadka ku labisan dharka Ciiddanka ee macmalka ah,” ayuu yiri, wuxuuna dhinaca kale su’aal ka keenay qaabka uu Harqaanlaha ku helay xirmooyinka ama daaqadaha badan ee dharka laga tolo Labiska Ciiddamadda.

Maleeshiyo-beeleedyo ku geeriyootay dagaallo ka dhacay Tuulladda Gunaana ee duleedka Mandheera ayaa la sheegay in ay ku labisnaayeen dharka ciiddanka Ammaanka ee Kenya.

HARQAALE

Idale News Online, Kenya.