Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tegay Xarunta ay Degan yihiin Ciidanka Ilaalada Badda Puntland oo ku taala Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri.
Cutubyo katirsan Ciidanka Badda Puntland ayuu Madaxwaynaha Dowlada Puntland DR. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kaga qaatay Gudaha Xaruntaasi Salaan sharaf ay ku soo dhawaynayeen Madaxwaynaha Dowlada Puntland DR. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Agaasimaha Guud ee Ciidanka Badda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo Saraakil sare oo katirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa siweyn u soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu dhamaanba ku soo wareegay qaybaha ay ka koobantahay Xaruntaasi,isagoona kulamo la qaatay Masuuliyiinta ugu sareeya Ciidanka Badda Puntland ee PMPF.
Masuuliyinta Ciidanka Badda Puntland PMPF ayaa waxa ay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku sharfeen Hadiyad ka samaysan Gor-gorka Astaanta u ah UAE.
Waa Markii Labaad oo uu Madaxwaynaha Dowlada Puntland DR. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Kormeer ku tago saldhiga ay Gobolka Bari ku leeyihiin Ciidanka Badda Puntland PMPF.
Idale News Online, Bosaso.