Hay’ada FAO oo Codsatey Lacag Gaareyso 18 Million oo Wax looga Qabanayo Wadanka Soomaaliya.

0
178

Warbixin ay soo saartay Hay’ada beeraha iyo cunada  qaramada midoobay uqaabilsan ee (FAO) ayaa kudhawaaqday iney raadineso lacag dhan $ 18 million si wax loogu qabto dadka iyo caruurta cuna yaridu kuheetso wadanka  Soomaaliya.

Dadka somaliyed awood uma laha iney kusii guda jiraan macluul ,waxay ubaahanyihiiin gargaar deg-deg ah,”sidaa waxaa yiri Luca Alinovi,madaxa (FAO) ee Kenya.

FAO yaa ku tilmaameeysa tirada dadka caawinaada ubaahan ee Soomaaliya ay gaarayaan  ilaa 860,000, oo ruux kuwaa oo ay kujiraan 200,00 oo caruur ah oo ay da’doodu kahooseeyso 5-sano.

Hay’adaha qaramada midoobay ayaa warbixino kala duwan oo ay soosaareen kusheegay iney walaac kaqabaan xalada cunta yari ee kajirta soomaaliya.

226px-FAO_logo.svg

Idale News Online,  Nairobi, Kenya