Dhageyso: Siyaasiyiin Shir Jaraa’id Ay Ku Qabteen Baydhabo Janaay oo Eedeyn Kulul Ugu Jeediyay Madaxda Dowlada Soomaaliya.

0
213

Qaar kamid ah Siyaasiyiin iyo waxgaradka  Koonfurta Soomaaliya oo shirjaraa’id magaalada Baydhabo kuqabtay ayaa Madaxda Ugu sareysa horeysa Dowlada Federaalka Soomaaliya ku ee deeyey in ay ka danbeeyaan dagaalada iyo macluusha kadilaacday Gobolada Bakool,Gedo iyo Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah Siyaasiyiin iyo waxgaradka  Koonfur Galbeed oo maanta shirjaraa’id Baydhabo kuqabtay  ayaa waxaa  ay kaga hadleen dagaalo sacadihii ugu danbeeyey kadhacay Bakool Tuulooyin lagu gabay iyo macuul kajirta halkaasi sidoo kale waxay kulankooda siyaasiyiintan kaga hadleen dagaaladii degmada Buuloxaawo ee gobolka Gedo.

Sidookale waxay kahadleen Gaadiid raashiin wada oo mudo bil ah ku xayiran Baydhabo oo lagaar siin waayey dad gaajo ugu dhintay Deegaano katirsan gobolka Bakool.

Wasiir katisanaan jiray Dowladihii hore ee Soomaaliya, Yuusuf  Maxamed Guuroow oo ugu horeyn ka hadlay shirka jaraa’id ayaa Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyey  dhibaatooyinka kajira gobolada ayna tahay mid kutalagal ah isagoona sido kale wakiilka QM ku ee deeyey in usan arimaha soomaaliya dhex dhexaad ka ahayn.

Gudoomiyihii hore Gobolka Bay  ahaana Afhayeenkii  Ururkii Xaq Udirir ahaa Ee RRA Maxamed Cali Qalinle ayaa sheegay in ay baalmareen Mas’uuliyiinta soomaaliya sababihii loo doortay, ka badin waayeena inay u adeegaan qabiilka ay ka dhasheen isagoona ugu danbeyntii Ururkii RRA-da ragii katirsanaa ugu baaqay in ay kasoo qaybgalaan xuska maalintii RRA ee sadex maalmood kaharsan tahay una diyaar garoowaan in kacaan maadaama ayuu yiri aaney jirin mas’uuliyiin wadan waa siduu hadalka udhigay.>
Halkan Ka Dhageyso.

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/06/COD-BAAY.wma|autostart=yes] [audio:http://www.ishabaydhaba.com/?attachment_id=58800|autostart=yes]

Baydhaba Janaay.Idale News Online, Baydhaba.