Xukuumadda Jabuuti oo Somali-land weeydiisatay in faah faahin ay ka bixiso dadkii qaraxyada ka gaystay Jabuuti.

0
205

Iyadoo dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan dalka jabuuti ay shaaciyeen in dadkii weerarka ka gaystay gudaha dalkaasi Jabuuti ay ka soo tallaabeen dhinaca Xadka Somali-land ay la wadaagaan ayaa mar kale xukuumadda Jabuuti waxa ay ku celisay in Gabadhii iyo wiilkii is qarxiyay ay ka yimaadeen si toos ah magaalada Harggaysa.

Xeer iaaliyaha Maxkamadda sare ee Jabuuti Maki Cumar ayaa ka codsaday maamulka Harggaysa in tafaasiil dheeraad ah ay ka bixiyaan dadkaas iyo sababihii keenay in qarax ay ka fuliyaan gudaha dalka Jabuuti.

Xeer iaaliyaha ayaa masuugay ka hadal la’aanta weli maamulka Harggaysa uusan arrintaa ka hadal taasoo uu sheegey in xukuumadda Jabuuti si aad ah uga xun tahay arrintan.

Dawladda Jabuuti ayaan weli ka harin dadkii fududeeyay in gudaha ay soo galaan Dalka jabuuti labada ruux ee isku qarxiyay maqaayad ku taala dalka Jabuuti halkaasoo ay gaysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Askeri ka tirsan ciidamada Jabuuti ayaa iminka gacanta lagu hayaa kaasoo lagu eedeeyay inuu dadkaas xadka soo tallaabiyay isla markaana uu dejiyay qaybo ka mid ah Jabuuti kaasoo iminka su’aalo la weeydiinayo.

Si kastaba xukuumadda Jabuuti ayaa xiligan waxa ay muujinaysa carada ay ka qabto dhanka Somali-land iyadoona laga yaabo in xiriirka labada dhinac ay xumayso.

jabuuut

Idale News Online, Jabuuti.