Xarakada Al-shabaab ayaa shalay fagaare kuyaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose waxa ay ku toogteen sadax nin ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasiin u shaqeeysa Dowladaha Soomaaliya ,Mareykanka iyo Kenya..
Fagaaraha lagu toogtay sadaxdan nin waxaa goob joog u ahaa Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab iyo dadweyne kale kuwaa oo daawanayay qaabka ay u dhaceesay xukunka toogashada ah ee lagu fuliyay sadaxda nin ay Shabaab ku eedeeyeen Basaasnimada.
Raga dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxay kala yihiin Saalax Fu’aad Cusmaan oo 24 jir oo lagu eedeeyay inuu jaajuus u ahaa dowladda Soomaaliya, Maxamed Cumar Diiriye oo 22 jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu u basaasayay sirdoonka Mareykanka iyo Maxamed Aadan Ibraahim oo 26 jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Kenya.
Al-Shabaab ayaa maalmo kahor sidan oo kale waxa ay xukun dil ah ku fuliyeen Sadax nin oo iyaguna Shabaab ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Idale News Online, Barawe.