Daawo Video: Dibad bax looga soo horjeedo Jinsiyo nacaybka oo Koonfur Afrika ka dhacay iyo Somaali.

0
177

Maalintii shalay ayaa waxaa magaalada Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika ka dhacay dibad bax looga soo horjeeday Jinsiyo nacayb.

Dibad baxa oo ay soo agaasintay Hay’adda Un-ka hoostagta ee Aresta ayaa waxaa ka qayb galay boqolaal qxooti ah oo ku nool magaalada Capetown, iyadoo dibad baxa uu kasoo bilwwday xaafadda Gugulethu, waxaana uu kusoo dhamaaday saldhigga Booliska ee Gugulethu.

Dibad baxa ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha hay’adda Arseta waxaana uu sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda qaxootiga islamarkaana aan lagu xad-gudbin qaxootiga.

Cabdi Axmed oo ka mid ahaa madaxdi jaaliyadda Soomaaliyeed uga qayb galay dibaxa ayaa Booliska ka codsaday inay ka hortagaan Jinsiyo nacaybka islamarkaana la badbaadiyo qaxootiga ku nool koonfur Afrika,  gaar ahaan Soomaalida.

Taliyaha ciidamada Booliska ee xaafadda Gugulethu oo gabagabadii dibad baxa ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay inay u mahad celineyso dadki soo agaasimay dibad badax, iyadoo dhinaca kalena ballanqaaday inay wax badan ka qaban doonaan jinsiyo nacaybka iyo dhibaateynta Qaxootiga.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA DIBAD BAXA:

Dibad baxa Cape town, shacbiga_com

Idale News Online, cap town.