Magacyada Dadkii isku Qarxiyey Huteel ku yaalo Dalka Jabuuti oo la ogaaday.

0
185

Dowladda Jamhuuriyada Djibouti ayaa waxaa ay soo bandhigtay  Cadeymo rasmi ah oo ku saabsan Dadkii ka dambeeyay weerarkii is Qarxinta ahaa Ee 25 Bishii Maty Ee Dhamaatay Labo Ruux oo al shabaab ahaa ay ka fuliyeen Magaalada caasimada u ah  Jabuuti Gob laga Cunteeyo oo ay ku sugnaayeen Inta badan Dad ajaanib ah .

Hay,adaha Sirdoonka Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay si Cad ugu dhawaaqeen Magacyada Labada Ruux Ee is qarxiyay oo ahaa Nin iyo Xaaskiisa waxaana Shir jaraa,id oo ay magaalada jabuuti ugu Qabteen saxaafada ku dhawaaqay Xeer ilaaliyaha Guud Ee Jabuuti Maki Cumar cabdul aqadir iyo  Col Cumar Xasan Taliyaha Dambi Baarista Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Djibouti

Saraakiishaan ayaa waxaa ay sheegeen in labada Ruux ay ka soo jeedaan Dalka Somalia isla markaana ay dalka Jabuuti soo galeen waqti  dhaw oo ah Maalintii Khamiistii 22 May Subaxii hore  waxaana lagu kala Magacaabi jiray sida saraakiishu ku dhawaaqeen Muuse Rooble Hiraabe iyo Hodan Maxamed Ciise  labaduba waxaa ay ka soo Gudbeen Degaanka lowya Cade lagu magacaabo Ee Xaduudka Jabuuti la wadaagto Dalka Somalia  iyadoo Saraakiishani ay carabka ku dhufteen in Askari Booliska Jabuuti ka tirsani uu Talaabadaan u Fududeeyay labada Ruux oo ay Hoygiisa ku sugnaayeen ka Hor inta aysan is qarxin .

Taliyaha Dambi Baarista Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Jabuuti Ninka lagu Magacaabo Cumar Xasan ayaa waxaa uu sheegay  in Falkaas ay u soo qabteen Ciidanka amaanku 7 Ruux oo ay Maxkamada u Gudbiyeen isagoo Xusay in wax saameyn ah uusan Falkani ku yeelan doonin Somalida ku nool Dalkaas.

Afhayeenka Al Shabaab Cali dheere oo isagu sheegtay Mas,uuliyada Weerarkaas in shabaab ka Dambeeyeen ayaa waxaa  uu sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan Ururka Nato ay ku dileen isla Markaa waxaa uu u Hanjabay madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay in Al shabaab Dhibaato ku yahay.

jab-11

Idale News Online, Djabuuti.