Taliyaha ciidamada nabad-sugidda Bashir Mohamed Jama ayaa ka bad-baaday isku-day dil kadib markii qarax baabuur lagu weeraray Hotel City Plaza.
Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasin Ahmed Roble ayaa VOA u sheegay in qarax uu dhacay qiyaas ahaantii 8-dii habeennimo xilli taliyaha iyo saraakiil kale oo ay ku jiraan xildhibaanno ay ka baxayeen hotel-ka.
Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxan inta uu ogyahay ay ku dhaawacmeen saddex qof oo midi uu askari yahay, labada kalena ay shacab yihiin.
Weerarkan qaraxa waxay u egtahay inay fuliyeen ururka al-Shabab.
Qaraxan ayaa yimid saacaddo yar kaddib markii taliyuhu uu warbaahinta u sheegay inay heleen macluumaad sheegaya in al-Shabab ay damacsan tahay inay qaraxyo fuliso.
Arbacadii taliyaha ciidamada Somalia, General Daahir Indho-Qarshe ayaa ka bad-baaday dil, kaddib markii kolonyo uu la socday qarax lala eegtay.
Sabtidii la soo dhaafay, ururka al-Shabab ayaa weeraray xarunta baarlamaanka Soomaaliya, halkaasi ay ku dhinteen 18 qof oo ay ku jireen kuwii weerarka soo qaaday.
Idale News Online, Muqdisho.