Madaxweynaha xukumadda Nigeria Goodluck Jonathan ayaa ku dhawaaqay inuu dagaal adag la geli doono Ururka Boko Haram oo si weyn uga soo horjeeda xukumadiisa.
Madaxweye Jonathan ayaa wacad ku maray in dowladiisu ay xoog kusoo furan doonto gabdhaha ay afduubka u heystaan Ururka Boko Haram ee ka dagaalama dalkaasi Nigeria.
Hanjabaada madaxweynah Nageria ayaa imaatay waqti uu khudbad jeedinayay, waxaana uu carabka ku adkeeyay inay soo badbaadin doonaan ilaa 200 oo dumar ah una afduuban Ururka Boko Haram.
Qaramada midoobay ayaa dhowaan ururka Boko Haram ku dartay liiska Ururada loogu yeero Argagaxisada.
Idale News Online, ABUJA