Dhageyso: Wasiirka Cadaalada Iyo Dastuurka Oo Ka Hadlay Gudiga Madaxa Banaan Ee Dib U Eegista Dastuurka Ay Golaha Wasiiradu Ansixiyeen,

0
197

Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo arimaha Dastuurka Dowlada Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa beeniyay warar sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliya ay badaleen dastuurka Soomaaliya. 

Halkan Ka Dhageyso: 

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20557.MP3|autostart]

Wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya wax ka badal ku sameeyay qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya,laakiin uusan gabi ahaantiisa badalin,isagoona sheegay in wax ka badalka dastuurka Soomaaliya ay tahay mid ka hooreysay xukuumada Soomaaliya.

Intaan xitaa la dooran madaxweynaha Soomaaliya ka hor ayaa wuxuu go’aan ka gaaray in waxyaabaha qaar loo baahan yahay in dib loo dhigo ay jirto,taasi ayay dadka qaar u fasirteen in dastuurkii la wada badalay,arintaasina waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Garsoorka Faarax C/qaadir.

Wasiir Faarax C/qaadir sidoo kale wuxuu ka hadlay arimaha magacaabista ee ku aadan hay’adaha garsoorka dalka iyo sidoo kalr arinta ku aadan la dagaalanka masuq-maasuqa.

“Xeerka nidaamka garsoorka uu ku qeexayo habka lagu soo galayo hay’adaha garsoorka,habkaasi wuxuu noqon doono hab ku dhisan tartan,tartsan kaasi wuxuu fursad siin doonaa dadka imaanaya hay’adaha garsoorka inay noqdaan dad qibrad iyo aqoon u leh howlaha garsoorka,” ayuu yiri Wasiirka Garsoorka Xukuumada Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii Golaha Wasiirada ay ansixiyeen gudiga banaan ee dib u eegista ku sameynaya dastuurka dalka.

faarax-cabdulqaadir-maxamed

Idale News Online, Muqdisho.