Milkiilaha Manchester United Glazer Oo Geeriyooday.

0
216

Milkiilaha kooxda Manchester United Malcolm Glazer ayaa kugeeriyooday da’ 85aad, qoyska Glazer ayaa United ku iibsaday 790M bishii May sanadkii 2005, kadib cabashooyin ay muujiyeen taageerayaasha kooxda Premier League kaciyaarto.

 Si walbo United ayaa markaas kadib ku guuleesatay horyaalka England sanadihii 2007, 2008, 2009, 2011 iyo 2013, waxaa usii dheer sanadkii 2008 oo ay Chelsea ka qaaday Champions League.

Sido kale Glazer ayaa iibsatay Tampa Bay Buccaneers sanadkii 1995, warbixin lasoo dhigay barta naadiga NFL ee Tampa Bay Buccaneers ayaa lagu sheegay “Waxaan ka xunahay inaan iclaamino in milkiilaha/madaxweyne Malcolm Glazer inuu geeriyooday subaxnimadii hore ee saakay, da’diisu waxey aheyd 85.

Malcolm ayaa katagay xaaskiisa iyo lix caruur uu dhalay, iyo 14 kale uu awoowe uu uyahay.

mmm

Idale News Online.