Labo diyaarad oo raashin sida ayaa maanta ka degay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay halkaas u dirtay dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay Al-Shabaab is hor taagtay gaadiidkii raashinka geyn jiray degmada.
Diyaaradaha ayaa siday bariis, caano iyo dawo.
Wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay billowday gargaar dhinaca hawada ah oo loo sameynayo dadka ku nool Buulo-burte, sida uu Bar-kulan u sheegay guddoomiyaha degmada Buulo-burte, Axmed Cabdi Weheliye.
Maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada, saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay doonayaan in la isugu furo degmooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Idale News Online.