Daawo Sawiradda labadii Lamaanaha ahaa ee isku qarxiyay Dalka Jabuuti oo lasoo bandhigay.

0
238

Dowlada Dalka Jabuuti ayaa Waraahinta usoo bandhigtay Sawirada wiilkii iyo gabadhii Habeen hore isku qarxiyay Maqaayad lagu caweeyo oo inta badan ay tagi jireen dadka ajaaniibta ah ee Dalkaasi kunool gaar ahaan kuwa Reer Galbeedka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Weerarkii ka dhacay Maqaayada kutaala Jabuuti ay ku dhinteen sadax qof oo labo kamid ah ahaayeen kuwii is qarxiyay.

Weerarka lagu qaaday Maqaayada kutaala Dalka Jabuuti waxaa sidoo kale ku dhaawacy ilaa 15-qof oo ay isugu jiraan 7 Faransiis ah, 4 dalka Jarmalka ka soo jeeda, 3 u dhalatay dalka Spain  iyomid u dhashay Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Jabuuti ayaa intaa raaciyay in Sawirada labada qof ee Wiilka iyo gabadha in ay yihiin kuwii ka dambeeyay weerarka ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Maqaayada , waxa uuna tilmaamay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah ay ku sameenayaan Xubnahaasi is qarxiyay..

jab 1jab 2jab 3

Idale News Online.