M/weynihii hore ee DF Somalia C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii maalin dhaweyd lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Somalia.
C/qaasim ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo dhammaan dadkii ku geeriyooday halkaas isla markaana uu rajeenaayo in soo caafimaadaan dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.
Sidoo kale M/weyne C/qaasim ayaa ugu baaqay ururka Al-Shabaab in ay wadahadal la galaan DFSomalia si wax looga siiyo xukun dalka hadii ay doonayaa.
Dhanka kale M/weyne C/qaasim ayaa sheegay in micno daro tahay dagaalada ka socda dalka waxa uuna sheegay hadi wax kasta wadahadal lagu dhameeyo si dalka uu nabad u noqdo.
Ugu danbeyntii M/weyne C/qaasim ayaa uu sheegay in dagaalka dalka lagu dhameen karo wadahadal sidaas darteed Shabaab ayuu ugu baaqay wadahadal in ay qaataan.
Idale News Onlin.