Midowga Yurub oo Dhexdhexaadin Doona DFsoomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Ee 6da Gobol Koonfur Galbeed

0
175

War kooban oo laga soo saaray xafiiska ururka midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Midawga Yurub uu taageerayo dadaalka ay dawlada Soomaaliya ee uu wado R/wasaaraha Soomaaliya ee lagu wada hadalsiinayo dawlada iyo maamulka lixda gobol ee uu M/weynaha ka yahay Madoobe Nuunow Max’ed.

Warkaan waxaa lagu sheegay in wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya uu gacan ka geysan doono fududeynta wada hadal dhex mara madaxda dawlada Soomaaliya iyo ergada uu hogaaminayo Madoobe Nuunow oo madax ka ah maamulka lixda gobol .

Wakiilka gaarka ah ee Midawga Yurub ee arrimaha Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu ka shaqeynayo xal u helida isfaham la’aanta siyaasada ee ka jira gobolada dalka qaar.

Warkan kasoo baxay Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili uu maanta fashil ku yimid gabi ahaanba wada hadaladii u socdey Dowlada iyo Maamulka Koonfurgalgeeb.

EU

Idale News Online.