Wararka Dibadda: Madaxweynihii Hore Ee Dalka Masar ,Xusni Mubaarak oo Lagu Xukumay 3 Sano oo Xariga ah.

0
204

Maxkamada dalka Masar ayaa xukun xabsi ah ku riday madaxweynihii hore ee dalka maser Xusni Mubarak oo muddo badan ku jiray xabsi ku yaala dalkaasi.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Xusni Mubarak seddexsano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambiyo ay kamid yihiin ku tagri falid dhaqaale.

Labadiisa wiil ee Calaa iyo Kamaal, ayaa sidoo kale la xukumay waxaana lagu riday afar sano oo xabsi ah.

Egyptian supporters of Egypt's Muslim Br

Qaadiyaasha maxkamada dalka Masar ayaa ku eedeysay inay xadeen 17.6 Milyan oo doolarka Mareykanka.

Xusni Mubarak oo 86 sano jir ah ayaa sidoo kale ku eedeysanaa ku tagri falida awoodii dalkaasi iyo dilka banaanbaxayaal sanadkii 2011 oo dalbanayay inuu xilka isaga dago.

Idale News Online,Qahira.