Magaalada Jos ee dalka Nigeriya ayey shalay (Talaada) gelinkii danbe ka dhaceen labo qarax oo waaweyn oo ay ku dhinteen dad gaaraya 118 qof, kadib markii gawaari waxyaabaha qarax lasoo saaray lagu qarxiyey suuqa ugu weyn ee magaalada Jos.
Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku yaalay goob laga raaco basaska iyo Tareenada, xiliga qarax dhacay ayaa ahaa wakhti ay dad badan goobtaasi ku sugnaayeen.
Qarax labaad ayaa la sheegay inuu dhacay 30 daqiiqo kadib qaraxii 1aad, taasi oo keentay in dad badan oo u gurmanayey dhaawaca qaraxii koowaad ay ku dhinteen qaraxa labaad oo loo adeegsaday bas lasoo saaray bambaano.
Cidna weli ma sheegan weerarkan balse dowlada Nigeria ayaa ku eedaysay kooxda Boko Xaram oo todobaadyadii lasoo dhaafay sare u qaaday weerarada ay ka geysanayaan waqooyiga dalkaasi Nigeria.
Idale News Online