Madaxweynaha Kenya oo ku qaylo dhaamiyay in laga gacan siiyo la dagaalanka Xoogaga Mayalka Adag Ee Al Shabaab

0
171

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu qaylo dhaan ka muujiyay weerarada joogtada ah ee ay kala kulmayaan waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay argagaxisada inaysan khatar ku ahayn oo kaliya, iyadoo uu xusay in ay halis ku tahay dhammaan dalalka adduunka oo dhan.

“Argagaxisadu Kenya oo kaliya halis kuma ahan, ee dunida oo dhan ayay ku tahay.” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo sheegay in Kenya ay la dagaalami doonto argagaxisada.

Wuxuu kaloo yiri “Waxaa wanaagsan in Caalamka oo dhan uu la dagaalamo argagaxisada, si aan horumar u sameyno.”

Madaxweynaha Kenya wuxuu tacsi u diray qoysaska dadkii ku waxyeeloobay labadii qarax ee Jimcihii shalay gil gilay Batamaha Magaalada Nairobi.

Labada qarax ee ka dhacay Magaalada Nairobi waxaa ku dhintay 10 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 kale, isla-markaana waxaa jira dad badan oo qaba dhaawacyo culus.

Uhuru-Kenyatta

Idale News Online, Nairobi