DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday xaalad cunto iyo biyo yari ka taagan dalka.

0
178

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya. Shirka golaha wasiirada ayaa maanta si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray dhibaatada cunta yarida iyo gabaabsiga biyaha ee ka jira dalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa markii ay dood dheer ka yeesheen xaaladda abaaraha iyo cunta yarida dalka, waxay ku dhawaaqeen in waddanka ay ka jirto cunto yari iyo gabaabsi dhinaca biyahaa ah. Golaha ayaa tilmaamay in gobolada ay dhibaatadani saamaysay ay ugu badan yihiin Bakool, Hiiraan iyo Galguduud, waxana ay sheegeen in dowladda Soomalaiya ay guddi qiimayn ah u saartay dhibaatadan abaaraha, islamarkaasina gargaar loo fudin doono dadka dhibaataysan.

Dowladda Soomalaiya ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka inay kaalmo u fidiyaan dadka ay dhibaatadu saamaysay iyadoo goluhu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaalin hoggaamineed qaadanayso.

“ Dowladda Soomaaliya markii ay qiimaysay xaaladda abaaraha ee dalka ka jirta waxay ku dhawaaqaysaa in dhibaato cunto yari iyo gabaabsi dhinaca biyaha ah ay ka jirto dalka Soomaaliya. Gobolada ugu daran ee ay dhibaatadani saamaysay waxaa ka mid ah Bakool, Hiiraan iyo Galguduud” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku, waxana uu raaciyey

Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa”

Hadalka golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli deegaanno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya uu ka curtay roobka xilliga Gu’ga, deegaannadaas oo intooda badan ay ka jirtay abaar iyo biyo la’aan sababtay in dad iyo xoolo ay u dhintaan.

golaha

Idale News Online, Muqdisho.