Daawo Sawiradda:Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Tunis oo isku fahmay dib u soo celinta Xiriirka labada dal.

0
183

Tunis, April 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tunisia, halkaasi oo uu ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradaasi H.E. Mongi Hamdi oo kulan gaar ah ay wada yeesheen .

Kulanka labada Wasiir ayaa waxaa looga hadlay dib u soo celinta Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal , is dhaafsiga khibradaha , maalgeshiga iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda dunida carbeed.

H.E. Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa bogaadiyay himilada dimoqraadiyadeed ee ka dhaqan-galay wadanka Tunisia, waxa uuna ka sheekeeyay isbadalada iyo horumarada dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay iyo rajada mustaqbalka dhow uu hiigsanayo dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu ka codsaday dowladda Tunisia inay u soo dirto Caasimadda Muqdisho koox khubaro ah ,ayna si lixaad leh uga qeyb qaadato howlaha dib u dhiska iyo maalgashiga .

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisia H.E. Mongi Hamdi ayaa booqashada Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku yimaadeen Caasimadda Tunis ku tilmaamay mid taariikhi ah , oo suuragelinaya  in labada dal ay dib u ambaqaadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed , isagoo xusay in dowladda Tunisia ay ka  taageereyso Soomaaliya dhinacyo badan .

Waxaa xusid mudan in Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Caasimadda Tunis si rasmi  ah loo xiray  dabayaaqadii sanadkii 1990-kii oo qeybo ka mid ah dalka uu ka curtay xilligaasi dagaal sokeeye oo salfaday deganaanshaha iyo nolosha dowladnimada.

IMG_4850IMG_4851IMG_4852IMG_4860IMG_4871IMG_4879IMG_4881IMG_4888IMG_4907iI

IMG_4848