Kenya waxay markii ugu horeysay Qunsul u soo magacaabay deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Kmg ah ee Jubba, oo ay Xaruntiisu tahay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Hillary Kyengo oo in muddo ka soo shaqeeyay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya, ayaa loo magacaabay in uu noqdo Qunsulka Kenya ee Gobolada Jubbooyinka.
Qunsulka oo maanta booqasho ku tagey Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Labada dhinac waxay shir gaaban ku yeesheen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku yeesheen shir aan la aqoon, waxyaabaha ay kaga hadleen.
Kyengo, ayaa wuxuu soo dhoweeyay in uu noqdo Qunsulka Kenya ee Gobolada Jubbooyinka, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Kenya Qunsul u magacawdo Jubbooyinka.
Kenya, ayaa Qunsulkaan soo magacawday xilli uu sii xumaanaayo xiriirkii ay la laheyd Dowladda Federalka ee Soomaaliya, iyadoo aysan jirin cid weli fara gelin ku soo sameysay, waxa Kenya ka wado xaafada Islii.
Akhristow Sideed U aragtaa falka Kenya?
Idale News Online.