aliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa maanta hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka wax ka weydiiyeen, xaalada amni ee dalka iyo waxa ay ka qababatay Hay’adda uu hogaanka u haayo.
General Bashiir Goobe, ayaa ku waramaaya in Hay’adda Nabad Suggida ay muuqato waxyaabo badan, oo ay qabatay, sidoo kalana ay ka hortagtey weeraro ay Caasimada ka fulin laheyd sida uu yiri Al Shabaab.
Su’aad ahayd meelaha laga saaray Shabaab, maxaad u geyn weyday Ciidan Nabad Suggid ah? ayaa wuxuu ku jawaabay in ay jiraan meelo dhowr ah oo ay u suurta gashay in la geeyo, halka meelaha qaarna aynaan weli u suurta gelin, balse ay taasi wadadeeda hayaan.
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha General C/laahi Gaafow Maxamuud, oo isna wax laga weydiiyay sababta uu kaga horyimid go’aankii uu Baarlamaanka ku joojiyay, kaararka aqoonsiga ee Muwaadinimada, ilaama laga horkeenaayo Baarlamaanka, ayaa wuxuu isku difaacay in laga been abuurtay.
General Qaafow, ayaa ku dooday inaanay jirin meel uu hadalkaasi ka sheegay, cidii ka sheegtayna ay ka been abuuratay,wuxuuna carabka ku adkeeyay inaanu marnaba diidin go’aan Baarlamaaneed.
General Qaafow, ayaa Isniintii hore Shirweynaha Qaran ka sheegay in si wanaagsan ku socoto qaadashada kaararka aqoonsiga ee Muwaanimada, isla-markaana ay kordhiyen meelaha laga heli karo.
Idale News Online,muqdisho.