Somali dacwad ka dhan ah Dawlada Kenya ugudbiyey Dawlada Mareykanka.

0
214

Dad Somaliyeed oo ku dhaqan Dalka Mareykanka ayaa waxay wadaan dadaalo lagu joojinayo dhibaatooyin ciidanka Kenya ugu geysaneyso dadka Somaliyeed dalkeeda.

Waxay Jaalliyadaan Somaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesotta ay sheegeen inay warqad dacwad ah ugudbiyeen Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka John Kerry si wax looga qabto tacadiyada Kenya Somalida ugu geysaneyso waddankeeda.

Jibriil Xasan AF Yare oo ka mid ah Somalida dacwada ugudbisay Wasaarada Arimaha Dibada Mareykanka ayaa usheegay Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga ayaa waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan in dawlada Mareykanka ku cadaadiyaan joojinta dawlada Kenya ee dhibaatada ugu geysaneyso magaalada Nairobi.

Minisota

Idale News Online, MN.