Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh, Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in R/wasaaruhu uu dawlada Kenya weydiisday inay joojiso xad gudubyada ay kula kacdo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay dalkeeda kasoo raafayso.
War saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay R/wasaaraha oo maanta la kulmay safiirka Soomaaliya ee Kenya oo shalay Muqdisho yimid in dawlada Kenya la weydiistay inay joojiso dhibaatadda joogtada ah ee ay ciidamada Kenya u geystaan bulshada Soomaaliyeed oo ay boolisku ka qab qabanayaan magaalada Nairobi xaafado ku yaala.
“Dawlada Soomaaliy waxay ka walaacsantahay dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kenya ku nool waxaana dawlada Kenya u jeedinaynaa inay ixtiraamto muwaadiniinteena” ayaa lagu yiri war saxaafadeeedka.
Danjire Max’ed Nuur Cali Americo oo ah safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeyb galay kulan xubnaha golaha wasiiradda Soomaaliya Muqdisho ku yeesheen waxaa uu ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaalida Kenya ku nool.
War saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in dawlada Soomaaliya ay dhigeeda Kenya weydiisatay inay jawaab deg deg ah ka bixiso sababta keentay in booliska Kenya ay xiraan qunsulka Soomaaliya Kenya Siyaad Max’ud Shire wallow mar dambe lasii daayay.
Booliska Kenya ayaa raaf aan kala sooc laheyn ku haya Soomaalida Kenya ku nool waxaana lagu eedeeyay booliska Kenya lagu eedeeyay inay xad gudub u geysteen bulshada Soomaaliyeed.
Idale News Online, Muqdisho.