Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Internetka ugu yeeray mashruuc hay’adda sirdoonka ee Maraykanka CIA ay lee dahay, waxaana uu dadka Ruushanka uga digey in ay isticmalaan mashiinka baaritaanka ee Google.
Khudbad uu u jeedinaayey dhalinyaro baratey saxaafadda ayuu ka sheegey in Internetku u noqdey meel ay ilaashato CIA, wax kasta oo Google aad ka baartidna uu yahay mid u keydsan iyaga, taas beddelkiisana ay isticmalaan Yandex.
Putin ayaa tilmaamey in ay fududahay in la fahmo barta uga caansan Ruushka ee Internetka wax looga baro ee loo yaqaan Yandex. Yandex ayaa inta badan dalka Ruushka laga istimaalaa waxaana la sheegaa in uu Googlr ka horeeyo marka Ruushka gudihiisa la joogo.
Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa horey u ahaan jirey Jaajuus u shaqeyn jirey hay’addii sirdoonka ee Midowga Sofiyeeyti KGB, waxaana uu ka hawlgeli jirey Jarmalkii Bari.
Idale News Online.