Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Abuja ee caasimadda dalka Nigeria kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, ambassador Uhomoibhi Martin Ihoeghian .
Kulanka Xoghayayaasha Joogtada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Nigeria ay ku yeelan doonaan Magaalada Abuja , ayaa waxa ay uga wada hadli doonaan Xoojinta Xiriirka labada dal iyo balaarinta howlaha wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.
Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa mudada uu joogo wadankaasi , waxa uu kulamo gaar gaar ah la kala yeelan doonaa mas’uuliyiinta sar sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda , shirkadaha horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga ka shaqeeyo si loogu dhiiri geliyo inay maalgeshi ku sameeyaan dalka Soomaaliya oo ah dal hodan ah oo leh kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badaha iyo bariga.
Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa lagu wadaa in uu gudbiyo dhambaal qoraal ah oo uu ka sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Prof. Hassan Sheikh Mohamud.
Idale News Online.