Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku xigeenka gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanada Jamaacada Carabta ugu jira Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in shirka Baarlamaanada Carabta uu ka jeedyey khudbad inta badan dhaliil u badneyd oo ku adaan doorka Jamaacada Carabta in ay ka gaabiyeen ka samata-bixinta Soomaaliya xaalada adag ay sanadaha badan ku jirto.
Maxamed Cumar Dalxa ayaa wareysi uu siiyey idaacada BBC-da laanteeda Afka Somaliga waxa uu sheegay in Baarlamaanka waddamada Jamaacada Carabta uu ka hor sheegay in dhibatooyin kala duwan dadka Soomaliyeed ay ku heysato waddamada dariska o ay kamid tahay Kenya.
Ugu dambeentii xildhibaanka ayaa dhaliilay Dalalka qeybta ka ah Baarlamaanka Jaamacada Carabta inay kasii jeesteen dhibtooyinkaasi wax kala qabshadeeda Dawlada Soomaaliya waxa uuna xusay in Baarlamaanka khudbadisii kadib ay isku af garteen in wax lagala qabto dawlada Soomaaliya dhibatooyinka heysta ee dhinacyada badan isugu jira.
.
[audio:http://radiokulan.com/wp-content/uploads/2014/04/dalxa.mp3?_=1|autostart=yes]