Dhageyso: Hooyada dhashey wiilkii Taayarka Diyaarada ku soo dhuuntay oo la ooydey sida wiilkeeda loo kala qariyey ka dibna naftiisa u biimeeyey si uu hooyadiis u arko

0
201
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/04/HooyoWiilkeeda.mp3|autostart=yes]

Hooyadda dhashay wiil 16 jir Soomaali ah, oo hoos galay taayarka diyaarada kuna safray inta u dhaxeysa gobolada California iyo Hawaii ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in wiilkeeda uu aabihii ugu sheekeeyay in hooyadii ay kol hore dhimmatay.

Ubax Maxamed Cabdullahi waa hooyada dhashay wiilkaasi, waxaana iyada oo ku sugan xerada qaxootiga ee Sheed dheer ee dalka Itoobiya u warrantay BBC-da , waxaa la weydiiyay sidda ay ku ogaatay in wiilka galay taayarka hoostiisa uu ahaa wiilkeeda?

survivor

Waxay sheegtay in aabaheed iyo wiil ay walaalo yihiin ay ka arkeen Talafishannada warka ku saaban wiilkeeda oo halkaas ay ka ogaatay.

Waxaa la weydiiyay wax yaabaha ku qasbay wiilkeeda in uu khatar galiyo nafsadiisa, waxa ay sheegytay in wiilka markii horre aabihiis uu u sheegay hooyadiis in ay dhimmaatay balse markii uu ogaaday in hooyadii ay nooshahayna uu sameeyay falka la yaabka leh.

Halkaan ka daawo meesha uu galey ee uu ku badbaadey muddo lix saacadood ah

Waxa ay sheegtay oo kale in aabaha dhalay wiilkan oo lagu magacaabo Yaxye Cabdiraxmaan uu go’aan ku gaaray in uu jaro xiriirka iyada iyo carruurteeda.

Waxa ay sheegtay in aabaha dhalay wiilkan ay mar horre kala tageyn balse uu didday in carruurteeda oo ah seddax ay la xiriirto.

Hooyadan oo ooneysa ayaa muslimiinta iyo adduunyada kale ka codsatay in ay ku gacan siiyaan siddii ay carruurteeda isku heli lahaayeen.

Waxaa kaloo hooyadan ay sheegtay in aabaha dhalay carruurta ay dhashay uu badashay magaca markii uu tagay dalka Maraykanka.

Waxa ay ku catowday in ay u baahan tahay carruureeda oo ay hillow badan u qabto sidda ay sheegtay Hooyo Ubax Maxamed Cabdulaahi.

Wiilkeeda ayaa markii horre wuxuu ka baxay dalka Ethiopia oo halkaas ayuu ka galay dalka Maraykanka isaga iyo aabihiis balse hooyadiis waa lakala waday.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Idale News Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here