Madaxweyne ku Xigeenka KG soomaaliya Maxamuud Sayid: ”Jubba wax la dhahaayo ma jiraan”.

0
180

Madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay qorsheyaasha maamulkaasi ee ku wajahan Jubbooyinka.

Waxa uu ku dooday Maxamuud Sayid Aadan in Jubbooyinka iyo Gedo ay kamid yihiin lixda gobal ee uu maamulkooda looga dhawaaqay isla markaana ay qasab tahay in  Kismaayo iyo Gedo ay tagaan.

Dowladda Soomaaliya marka hore, waxaan ka codsanaynaa inay tixgaliso rabitaanka shacabka oo ay maamulkan aqbasho waxaana hadda socda qorsheyaal Kismaayo iyo Shabellaha Hoose maamulka uu ku aadi doono” sidaasi waxaa yiri mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo looga dhawaaqay.

Dhinaca kale, waxaa  Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ka dhisan maamul ka kooban seddex gobal ee ah Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose kaasoo uu madaxweyne ka yahay Maxmaed Xaaji Cabdinuur.

sayid aadan

Idale News Online, Baydhaba.