Ayadoo muranka iyo isqabqasida magaalada kismaayo dheeraaday ayaa waxaa jirey heshiis ay dowlada la gashay maamulka Axmed madoobe ee gacanta ku haaya magaalada Kismaayo ayaa Cabdirahmaan Cabdishukur Warsame oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgaley shirkii dowlada iyo Axmed madoobe loogu qabtey magaalada Adis ababa sheegay in heshiiskii Addis Ababa waxba laga hirgelin kuna eedeeyey in dhanka hogaamiyaha Maamulka KMG Jubba uu dhankiisa ka fulin waayey qodobada muhiimka ahaa ee heshiiskaas.
Waxaa Kaloo Cabdirahmaan Cabdishukur Warsame oo BBC la hadlaayey carabka ku adkeeyey in Maamulka Axmed madoobe uu ka baxay heshiiskii la doonayay in la dhaqan galiyo taasina ay halis ku tahay jiritaanka Maamulka Jubba.
Halkan Ka Dhageyso, Warka Naxdinta Leh.
[audio:http://radiokulan.com/wp-content/uploads/2014/04/Cabdishukur.mp3?_=1|autostart=yes]