Gudoomiye Cabdi Jiinow Calasow oo muddo badan kadib maanta usuura gashay in uu cagta dhigo Degmada Balcad.

0
218

Waxaa Maanta Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhaxe ka dhacday Munaadabad balaaran uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee Degmadaasi loo soo magacaabay , xili uu baxsad ku jiro Gudoomiyhihii hore ee Degmada Balcad Cismaan Xaadoole.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa ka qeyb galay munaasabada maanta uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Balcad Maxamuud Maxamed (Saney Taakey)oo lagu qabtay Saldgiga Booliiska Degmada Balcad.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Balcad Maxamuud Maxamed (Saney Taakey)oo ka hadlay Munaasabada uu xilka kula wareegayay ayaa balan qaaday in uu wax ka qaban doono amaanka Degmadaasi iyo sidii loo hor marin lahaa Bulshada ku dhaqan Degmada Balcad.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhaxe Cabdi Jiinow Calasow oo mudo bilo ah aan cagtiisa saarin Degmada Balcad, kadib Khilaaf soo kala dhax galay isaga iyo Gudoomiyihii hore ee Balcad, ayaa manta ka hadlay Munaasabada ka dhacday Degmadaasi ,ayaa sheegay in uu soo dhaweyn doono Masuulkan cusub ee la wareegay Maamulka Balcad .

Munaasabada uu Xilka uu kula wareegay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Balcad ayaa imaaneysa xili uusan Munaasabada goob jog aheyn uuna baxsad ku jiro Gudoomiyhihii hore ee Degmadaasi Cismaan Xaadoole oo shalay Ciidamo katirsan Dowlada Dagaal uga saraeen Degmadaasi isaga iyo maleeshiyaad daacad u ah.

Cabdi-Jiinow-300x225

Idale News Online, Balcad.