6 Bilood jir qaajo u dhimatay kadib markii Hooyadeed lagu xiray Garoonka Kasarani

0
231

Raafka ay ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida Eastleigh, waxaa ka dhashay qisooyin aad u xanuun badan oo qof walbo oo damiir leh ka gil gisho.

Gabar dhalan 6 Bilood oo kaliya, ayaa qaajo iyo daryeel xumo u dhimatay, kadib markii ay ciidanka Kenya Hooyadii dhashay ka wadeen kuna xireen Garoonka Kasarani.

Hooyada dhashay gabadhaan yar ee geeriyootay, ayaa mudo 3 maalmood ah ku xirneyd Kasarani.

Hooyada dhashay Gabadhan, ayaa markii lasoo daayay warbaahinta u sheegtay, ineey usoo laabatay Gabadheedi oo meyd ah.

Qiso kaloo xanuun badan waxay ahayd, kadib markii Hooyo ku xirneyd Kasarani, ay ciidamada Kenya soo daayeen kadib markii ay xaaladeeda Caafimaad aad u xumaatay.

Hooyadaan ayaa islamarkii lasoo daayayba, waxaa qabatay fool, waxayna dhashay Mataano meyd ah.

Booliska Kenya oo dhacdooyinkaan saxaafada wax ka weydiisay, ayaa gabi ahaanba ku tilmaamay kuwo been ah.

 

Xigasho: Nairobinews ama http://nairobinews.nation.co.ke/baby-left-to-die-as-police-seize-mum/.

hooyo

Idale News Online.