Puntland oo digniin ujeedisay maamulka Somaliland.

0
221

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhaguran oo Saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Dowlada Puntland aysan u dulqaadan doonin Gardarada isdaba jooga ah ee maamulka Soomaaliland,taasi oo uu sheegay inay dabada ka riixayaan ururka Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka dhaq dhaqaaqyo ciidan oo labo dhinac ah ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Sool, waxaana ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland ay u baxeen deegaanada dhaq dhaqaaqyada ciidan ka jiraan ee gobolka.

’Maamulka Puntland,waxay si kulul u cambaaraynaysaa xadgudubka qaawan ee maamulka Soomaaliland,waxayna uga digaysaa maamulka Siilaanyo cawaaqib xumada ka imaan doonta Gardarada ay caadaysteen ee ay wali wadaan’’Ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in markasta oo Soomaaliland ay sahqdhaqaaq samayso ay ururka Al-Shabaab sameeyaan dhaqdhaqaaq,arrintaasi oo uu sheegayu inay muujinayso wada shaqaynata ka dhexeeya Soomaaliland iyo Al-Shabaab.

Mudane Indha-guran ayaa hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay xiriir la leedahay Soomaaliland,hasa yeeshee ay Cadow ku tahay adduunyada inteeda kale.

‘’Puntland waxay in badan ku baaqaysay illaalinta nabada iyo darsnimada,haddii taas la waayo Puntland waxay diyaar u tahay inay diufaacdo dalkeeda iyo dadkeeda,mana u dulqaadan doonto xadgudubyada faraha badan ee isdaba yaala,waxsay qaadaysaa talaabo u qalanta gardarada isdaba yaala ah ee maamulka Siilaayo kuso qaadayo deegaanka’’Ayuu yiri.

wasiirka warfaafinta maamulka Puntland

 Idale News Online, Garawe.