Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay gaar ahaan deegaano hoos yimaada Xabaalbarbaare ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay roobab ka da’een.
Roobabkan ayaa da’ayay xalay ilaa saakey waxaana ku diirsaday dadka iyo duunyada waxaana la sheegay in roobabku ay da’een xiliyo kala duwan.
Qaarkamida dadka deegaanadu roobabku ka da’een oo la hadlay shabkadda Idale News Online ayaa sheegay inay da’een roob lagu qabowsaday aysan alle ugu mahadcelinayaan raxmadiisa.
Tadobaadyadii lasoo dhaafay ayaa qeybo kamida gobolka Bay waxaa dad ka soo yeerayey qaylo dhaan biyo l’aan ah kadib markii ay waayeen wax ay cabaan balse roobabkan ayaa rajo wanaagsan gelshay dadka ku dhaqan gobolkaasi.
Idale News Online, Xabaalbarbaare, Bay.