Sawiro: Prof.Jawaaari oo la kulmiye Dhigiisa Talyaaniga.

0
210

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho rasmi ah ku joogaan dalka Talyaaniga ayaa kulamo kula qaatay magaalada Rome Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa booqday xarunta wasaarada arrimaha dibada, halkaasoo maamuus soo dhoweyn loogu sameeyay, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada Talyaaniga Mario Giro.

Mr Jawaari ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Talyaaiga Haweeneyda lagu magacaabo Laura Boldrini, waxaana kulankan uu socday muddo saacad ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga Mss Laura Boldirini oo kulanka markii uu soo gaba geboobay kadib la hadashay saxaafadda ayaa tilmaantay in waxyaabaha ay ka wada hadleen ay ugu muhiimsaneyd iskaashi iyo wadashaqeyn joogta ah oo dhexmarta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaana ay aad u ammaantay qaabka uu xiligan u shaqeeyo Golaha Shacabka Soomaaliya, sidoo kalena waxa ay xustay iney Muqdisho ku imaan doonto casuumad ay ka heshay dhigeeda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isna dhankiisa ka hadlay kulanka kadib ayaa xusay inuu dhowaan si rasmi ah u bilaaban doono iskaashi iyo wadashaqeyn dhexmarta labada Baarlamaan, iyadoo wufuud ka kala socota labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ay socdaal ku kala tagi doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Rome.

ja1 ja2 ja3 ja4 ja5 ja6 ja7

Idale News Online, Rome, Italy.