Xaflad baraalan oo si aad ah loogaga soo shaqeeyay ayaa ka dhacday dalka Nederaland ee qaarada Yurub, Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Koonfur galbeed Soomaaliya ee dalka Hollandayaa waxaa kasoo qeyb galay dad badan oo iskugu yira bulshada qeybaheeda kala duban.
Xaflada oo ahayd mid aad uuureysay ayaa waxaa ka heesay faaniinta kala ah Cadeey Cali Axmed iyo Laki Haji Waceys oo heeso Maay iyo Maxaatiri ka qaaday madasha.
Dhanka kale Aqoonyahanada ka hadashay goobta oo ay ka mid yihiin C/salaan Faaruuq iyo Suldaanka Ciise ayaa waxa ay ku booriyeen in laga shaqeeyo midnimada lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona soo dhaweeyay wax qabadka dowlada Madaxweyne Madoobe Nuunow iyo magacaabista 20-ka waziiro ee dhawaan lamagacaabay.