Nin Soomaali ah oo qirtay in uu Al Shabaab yahay oo Maxkamad la soo taagay (Daawo Sawirada).

0
183

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Xersi, ayaa wuxuu qirtay in uu doonaayay in uu ku biiro Ururka Al Shabaab, ee ka dagaalama Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Maxamed Xasan oo 29 sano jir ah, ayaa sanadkii 2011-ka lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Toronto, xilli uu ku sii jeeday Soomaaliya, si uu ugu biiro Ururka Al Shabaab.

Kahor inta aan dacwada lagu soo oogin ninkaan, ayaa wuxuu Booliska dalka Canada uu u sheegay in uu jeclaa in uu ku biiro Ururka Al Shabaab, si uu kaga barbar dagaalamo.

Maxkamada Gobolka Ontario, ayaa waxay maanta markale dib u dhigtay kiiska ninkaan, iyadoo kulanka dambe ee soo socdo go’aan kaga qaadan doonto, maadaama uu wax kasta ku cad yahay.

Maxamed Xasan wuxuu Dowladda Canada uu ku eedeeyay in ay ka mid tahay Wadamada Reer Galbeedka, ee dhibaatada ku haaya Ummada Muslimiinta.

Ma cadda go’aanka Maxkamada Gobolka Ontario ay ka qaadaneyso ninkaan waxa uu noqon doono.
mhh

PJT-MohamedHersi-5.jpgmhh2