Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ayaa howlgallo ballaaran waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool waxaana la sheegay in baaritaanadan lagu soo qab qabtay Dhalinyaro badan oo qaarkood laal xiriirinayo Ururka Al Shabaab. Howlgalladan oo ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Xudur ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu baariyay Guro ku yaala Degmadaasi kadib markii Saraakiisha Dowladda lagu soo wargeliyay in Kooxo ka tirsan Al Shabaab ay ku Nool-yihiin.
Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgallada uu ahaa sugida amaanka Magaalada Xudur waxaana sidoo kale ay tilmaameen in Kooxo lagu tuhmay Al Shabaab lagu qabtay baaritaanada.
Waxaa sidoo kale Saraakiishan ay qeexeen hadii dambi lagu waayaa Dhalinyarada looga shakisan yahay Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab in la iska fasixi doono balse hadii lagu helo ay ciqaabtooda mari doonaan. Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka soo yeereysay cabasho kala duwan taasi oo ku aadan Nolol Xumo ka jirta tan iyo Markii Magaaladaasi laga saray Ururka Al Shabaab.
Idale News Online, Xudur.