khaladka Wariyaha kama duwana askari xabadi ka fakatay.

0
223

Warbaahintu khalad waa ka dhici karaa, laakin si aanu khaladkaas u dhicin marka hore laga gaashaantay oo shuruuc addag laga dhigtay.

1. Ma jiro wariye aan laga tifaftirin waxa uu tabiniyo inta aan hawada loo deyn, gaar ahaan wixi xaasaasi ah ee u baahan aqoon iyo xirfad kaweyn tan wariyaha.

2. Haddii wariye kamid ah warbaahintu khalad galo ciqaabteeda kowaad waxaa iska leh Tifaftiraha isagga ayaana laga yaabaa inuu shaqadiisa ku waayo.

Laakin warbaahinta Soomaaliya mas’uuliyada noocaas ah maba jirto, oo wariye iyo tifaftirihiisa isma aqoon dhaamaan. oo waxaaba laga yaaba in tifaftiraha ama agaasimaha yahay ninka maqaayada iska leh.

hadii khalad yimaado wariyaha ayaa u qoolan gar iyo gardaro.
marka sidaa darteed war khalad kubaxay kama duwana xabad askari ka baxsatay geeri iyo dhaawacba wey sababi kartaa.

Sidaa dareed inta aanan qofka iyo dadkaba loo gafin mar, labba iyo kabadan wariyihu ha hubiyo waxa uu sheegayo.

ayaanle Xuseen Cabdi

W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi.