Wafdi uu hogaaminayo M/weyne Xasan Shiikh, oo shalay ka duulay Garoonka Aadan Adde, ayaa ku wajahan dalka Belgium-ka.
M/weynaha ayaa ka qeyb galaya shir ay soo qaban qaabiyeen midowga Yurub, kaasoo diirada lagu saarayo Arimaha Soomaaliya.
Shirkaasi ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Midowga Yurub, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in shirka ka jeedo khudbad kaga hadlayo xaaladda dalka iyo dadaallada ay dowladdu ugu jirto ciribtibtirka argagixisada Shabaab.
Gebagebada Shirkaasi ayaa la filayaa iney ka soo baxaan go’aanno wax tar u leh ummadda Soomaaliyeed, waana shirkii labaad ee Soomaaliya dhaqaale loogu ururinayo oo lagu qabto dalka Biljimka tan iyo markii dalku ka baxay marxaladdii KMG aheyd.
Idale News Online,