Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo, isagoo ku biiray Wafdiga Madaxweynaha oo maanta duhurkii halkaas gaaray.
Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa qeyb ka ah dadaalo dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay kiu soo afjarto xiisadaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobolka.
Warar ku dhow dhow Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya inuu kulamo la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada iska soo horjeeda.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wali gudaha u gelin magaalada, waxaana ay ku sugan yihiin Xerada 60aad ee ciidamada milateriga.
arintan ayaa kusoo beegmaysa ka dib markii uu madaxwaynaha Maanta Fashil kala kulmay Magaallada baydhabo oo aysan u suurta galin Qilaaf uu rabay inuu soo xaliyo, waxaana si aad ah ugu soo horjeeda Maamulka Lixda Gobol ee sida aad ka ah ugu xoogan Magaaladasi, madaxda dalkana ay raali ka ahayn maamulkaasi balse haatan u muuqda mid si qasab ah ku hirgali raba.
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirtay magaalada Baydhabo oo ku aadan maamulada iska soo horjeeda, iyadoo dibad baxyo ballaaran ay ka dhaceen, kaasoo lagu taageerayo Maamulka Lixda Gobol.
Idale News Online.