War goor naga soo gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheikh uu goor dhow deyr kala kulmay Xildhibaanada taageersan maamulka Lixda Gobol iyo Golaha Aqalka Sare ee KGS.
Madaxweynaha DFS oo ay wehliyaan Waziiro , Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa weli ku xayiran hoyga taliyaha ciidamada gobalada Bakool, Gedo iyo Baay Gen.Ibraahim Yarow oo sidaa uga fogeyn Garoonka diyaardaha magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmay xildhibaanada BFS ee taageersan Maamulka Lixda gobol ee Koonfur Galbeed sida Xildhibaan C/laahi Ismaaciil iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade kuwaasi oo madaxweynaha ka cosaday labo arimood.
1. In xildhibaanadaaan la soo hadlaan dad banaanbaxayaa si ay gudaha ugulaan wafdiga madaxweynaha.
2. In ay Golaha Guurtida iyo Madaxda Koonfur Galbeed ay ugu keenaan hoyga Gen.Ibraahim Yarow si ay ula kulmaan.
Xildhibaanadii qaabilay Madaxweynaha ayaa dayr ka muujiyay gebi ahaanba qodobadii uu madaxweyne Xasan Sheikh ka codsaday iyagoona Madaxweynaha usheegay in labada qodob ay ku adag tahay in ay sameeyaan balse madaxweyne Xasan Sheikh ugu baaqay in ay iyaga khudhooda fuliyaan labo qodob:
1. in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa uraacaan ADC si ay ula kulmaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Golaha Guurtida KG.
2. In madaxweynaha uu warbaahinta Baydhabo ka sheego in uu taageeray maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed si ay ujoogsadaan Banaanbaxyada.
Idale News Online.