Dowlada Itoobiya oo hadal Xasaasi ujeedisay DFSoomaaliya.

0
190

War saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in si dadka ku nool gobolada iyo degmooyinka Al-Shabab laga saaray ay u helaan gar gaar bini’aadanimo ay muhiim tahay in loo helo maamul dadka la shaqeeya oo rayid ah waxaana ay ka codsatay dawlada Soomaaliya iyo beesha caalamka in arrintaas deg deg loo sameeyo.

“Maadaama dadku u baahan yihiin in la caawiyo waa inay helaan maamul rayid ah oo gar gaarka bini’aadanimo iyo dawladnimada” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Ethiopia.

Ujeedka war saxaafadeedkaan oo ahaa ka warbixinta kulan magaalada Addis-Ababa ku dhex maray wasiirka arrimaha dibbada Ethiopia Tedros Adhanom iyo wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay .

Kulankaan labada mas’uul wada qaateen oo badankiis ku saabsanaa amaanka Soomaaliya iyo dagaalka ay ciidamada AMISOM oo kuwa Ethiopia ku jiraan ka wadaan gobolada Soomaaliya qaarkood.

Dagaalka ay dawlada Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ka wadaan Soomaaliya saameynta ugu daran ku yeelatay dadka rayidka ah ee ku nool goobaha lagu dagaalamayo.

ethiopian-flag-eprdf

Idale News online.